Inkabadan 17 Ruux oo loo qabtay Qarax uu ku dhintay Nabadoon Caan ka ahaa Kismaayo

0
832

Kismayo20130608Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku waramaya in Ciidamada Axmed Madoobe Howlgal Dad loogu shakisan yahay inay ka dambeeyeen Qarax shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo Gobolak Jubada Hoose ay halkaasi ka sameeyeen oo Dad tiro ahaan ku dhow 17 Ruux halkaasi ku qabtay.

Afhayeenka Maamulka Axmed Madoobe C/Naasir Seeraar oo la hadlay Warbaahinta ayaa cambaareeyay falka Shalay lagu Dilay Suldaan Caan ka ahaa Gobolada Jubboouinka oo Shalay ku geeriyooday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

C.Naasir Seeraar ayaa sheegay in Ciidanka Axmed Madoobe ay ku jiraan Howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii Dilkiisa ka dambeeyay isagoo sheegay in Dad loo qab qabtay hase ahaatee baaritaano lagu hayo.

Nabadoon caan ka ahaa Gobolada Jubbooyinka kana mid ahaa Salaadiinta ku jirtay Jaamacadda Magaalada Kismaayo doortayna Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa shalay isago akmaraya Nawaaxiga Warshada Hilibka ee Magaalada Kismayo waxaa Gaarigiisa mar qura qabsaday Qarax kaasi oo sababay in isaga iyo Darawelkiisa ay ku dhintaan Gaariga u qaraxaasi qabsaday.waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Qarax uu ku xirnaa Gaarikii uu watay.

 

Source: Shabelle