Iska hor imaad ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab mar kale xalay ku dhex maray degmada Huriwaa

0
814
Markacadeey.com

Markacadeey.comIska hor imaad u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa mar kale xalay ka dhacay degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo iska hor imaadka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadka ayaa ka dambeeyay markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada, waxaana labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jireen gantaalada garbaha laga rido.

Inta la og yahay labo ruux oo mid uu ahaa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa ku dhintay iska hor imaadka, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen hub cul culus.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkan ay la beegsadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada dowladda, isla markaana qasaare kala duwan ay ku gaarsiiyeen ciidamada.

Habeenadii u dambeeyay ayaa waxaa qeybo ka mid ah degmada Huriwaa ka dhacayay iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab, waxaana habeen hore ay aheyd markii dagaalo xoogan ka dhaceen fariisimo kala duwan.

Degmada Huriwaa ayaa lagu tilmaamaa degmooyinka xilligan ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, iyagoo awooda in weeraro ka geystaan habeen iyo maalin, inkastoo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Source: Jowhar