Iska horimaad Khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

0
862
Markacadeey.com

Markacadeey.comHal askari ayaa ku dhintay 10 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Iska horimaada Khasaaro gaystay ee gelinkii Dambe shalay ku dhexmaray Ciidamada kawada tirsan Dowladda Soomaaliya Degaanka Lambar 50 ee Gobolka Sh/Hoose.

Goobjogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in iska horimaadka uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo watay Gaadiid Dagaal oo ka yimid Degaanka Janaale uu weerar ku qabsaday Degaanka Lambar 50 ee Gobolka Sh/Hoose oo baro Kontarool ay ku lahaayeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya

1 Askari ayaa dhintay 10 kalana waa ay dhawacmeen sida Goobjoogayaasha Idaacadda Shabelle la hadlay ay sheegeen iska horimaadka oo muddo socday xaalada ayaa xilli dambe noqotay mid degan iyadoo Maamulka Gobolka Sh/Hoose uu wado Dadaalo ay ku joojinayaan Xiisadaha ka dhexdhalatay Ciidamada ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya isla markaana kuwada sugan Gobolka Sh/Hoose.

Cumar Maxamuud Cilmi oo loo yaqaano Cumar Carabey oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/Hoose oo ay la xiriirtay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in iska horimaadka uu jiro lakiinse aan si rasmi u ogeyn Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay isagoo intaasi ku daray in Maamulka Gobolka Sh/Hoose uu tiro koob ku wado waxyeelada uu geystay Iska horimaadkaas dhexmaray Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ay shegeen inay wadaan waan waan laga dhexwado Ciidamada Dowladda Soomaaliya taasi oo lagu xalinayo xiisadaha halkaasi ka taagan u dhaxeeyay Beelaha wada dega Gobolka Sh/Hoose.

Source: Shabelle