Jowhar: 40 Al-Shabaab lala xiriirinayo oo la xiray

0
909

AlshabaabBaraawa1Afartan qof oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay lagu soo qabtay howlgal ammaanka lagu sugayay oo laga sameeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada milateriga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka magaalada Jowhar ayaa guri guri u baarayay afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellaha dhexe Daa’uud Xaaji Ciirre oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay lagu hayo saldhigga booliska ee Jowhar, si su’aalo loo waydiiyo.

Wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah, tan iyo inta laga xasilinayo ammaanka degmada Jowhar iyo kan gobolka Shabeellaha dhexe.

Howlgallada ayaa ku soo aadaya xilli muddooyinkii dambe ay qaraxyo bambooyin loo adeegsanayay ka dhacayeen magaalada Jowhar.