Kenya:20 dagaalyahan oo shabaab ka tirsan ayaan ku dilnay Garrisa

0
907

AlshabaabBaraawa1Midnimo

Doowlada Kenya ayaa sheegtay in 20 ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ay ku dileen magaalada Garissa ee Gobolka NFD.

Gudoomiyaha magaalada Garrisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Haaruun Rashiid, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka wadanka Kenya ay toogteen 20 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku dhuumaaleeysanayay deegaan dhaca dhanka Sohdinta Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in dagaalamayaashaasi la toogtay la rumeysanyahay ineey qayb ka yihiin 40 dagaalamayaal Al-shabaab ka tirsan oo gelinkii danbo ee malinkii Jimcaha weerar ku qaaday Saldhig ay Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Galmo-gala.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa hadalkooda intaas ku daray in dagaalamaayshaasi shabaab ka tirsan ee la dilay la rumeysanyahay ineey ahaayeen kooxdii weerartay Saldhiga Ciidamada Booliska ee deegaanka Galmo-gala.

Mr Haaruun ayaa sheegay ineey wadaan Howlgal ay sidoo kale ku baadi goobayaan tiroo kaloo Al-shabaab ka tirsan oo lagu sheegay ineey ku dhuumaaleeysanayaan sohdinta ku dherersan KENYA iyo Soomaaliya.