Kismaayo oo laga soo dhoweeyay heshiiska Addis Ababa

0
849

KismayoCityShir lagu taageerayo heshiiskii shalay magaalada Addis Ababa ku dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta ka dhacay xarunta jaamacadda ee magaalada Kismaayo.

Shirka oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ergadii soo dhistay maamulka Jubba iyo siyaasiyiinta gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay mas’uuliyiinta maamulka Jubba.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen dowladda iyo maamulka Jubba, isagoo heshiiska ku micneeyay mid horrmar iyo barwaaqo u horseedi kara shacabka Jubbooyinka.

Dhinaca kale, waxaa guud ahaan magaalada Kismaayo maanta ka dhacay damaashaadyo waa-weyn oo lagu taageerayo heshiiska, iyadoo waddooyinka waa-weyn ee magaalada lagu arkayo gaadiid lagu xardhay sawirrada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).