Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay in magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo lagu qaban doono kulamo lagu xoojinayo heshiiskii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba ay ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Faarax Sheekh Cabduqaadir waxa uu sheegay in kulamadan ay yihiin kuwa lagu doonayo in meesha looga saaro in uu khilaaf yimaado.
Wasiiru-dowlaha madaxtooyada ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la helo maamul raalli laga wada yahay oo dadka ay ka wada qeyb galaan. Wuxuu u soo jeediyay bulshada ku nool gobollada Jubbooyinka in nabadda laga wada shaqeeyo si meesha looga saaro in mar kale ay dhibaato ka dhacdo gobolka.
Hadalkan ayuu ka sheegay wasiiru-dowlaha shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, mar uu dalka dib ugu soo laabteen xubnihii wafdigii uu hoggaaminayay ee dowladda uga qeyb galay shirkii Addis Ababa.
Bar-kulan