Maamulka Degmada Dharkeynley Oo Ka Warbixiyay Dilkii Gudoomiyihii Olombikada Degmadasi

0
960

DarkinleyMaamulka degmada Dharkeynley eee gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay dil shalay maqribadii loogu gaystay degmadaasi gudoomiyaha gudiga Olompikada degmada kaas oo kooxo bastoolado ku hubaysana ay ku toogteen gurigiisa oo ku yaal degmadaasi.

Allaha u naxariistee marxuum Amiin Cali Muumin oo ahaa gudoomiyaha Olombigada degmada Dharkenley ayey shalay galinkii dambe Labo wiil oo Bistoolada ku hubeysan waxa ay ku dileen gurigiisa hortiisa xilli uu ka yimid ciyaaro ka socday garoonka Kubada ee degmadaasi, waxa ayna rasaasta oo ahaayd Afar uga dhufteen wadnaha iyo madaxa iyadoo ay uga tageen dhaawac markii la geeyay isbitaalka Madiina daqiiqado kahorna uu ku geeriyooday sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay Macalin Cabdulle Cali Hilowle gudoomiyaha degmada Dharkenley.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa qaar ka mid ah xaafadaha magalada Muqdisho ku soo badanayay falal amni daro ah oo ay ugu horeyso dilalka gaadmada ah ee lagu dilayo dad shacab ah ama dad wax gal u ah bulshada, dadka reer Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa wel wel weyn ka muujiyay amni darada u badan dilalka ee soo badaneyso

Su’aasha isweydiinta mudanna waxa ay tahay ma hey’adaha amniga ee dowlada Soomaaliya ayaa waajibkooda u gudan sida loogu igmaday mise shacabka ayaan hay’adaha amaanka ku gacansiin soo qabashada sharwadayaasha qal qalka galinaya amniga caasimada oo iyaga ku dhexjira, si kastaba muhiimadu waxa ay tahay in shacabka iyo dowladuba ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugida amaanka caasimada iyo gobolada dalka.

Radio Muqdisho