Madax ka tirsan Xisbul Islaam iyo beesha caalamka oo arinta Sheekh Xasan kawada hadlaya

0
792

XasanDaahirAweys20130624Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan Ururka Xisbul islaam ay gaareen dalkaasi Kenya,ujeedka ay halkaasina u tageen ay tahay la kulanka Madax ka tirsan beesha caalamka.

Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Sheekh MAxamed Macalin ayaa horkacaya wafdiga xisbul islaam ka tirsan ee gaaray Magaalada Nairobi,halkaasi oo qorshaha uu yahay inay kulan kuwada qaataan madax kamid ah kuwa beesha caalamka lagana hadlo arimo ku aadan Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa sheegay inay la kulmi doonaan madax kala duwan si go’aan dhab ah looga gaaro arimaha Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Dowladda Soomaaliya weli go’aan aan ka gaarin cadaadisna beesha caalamka ay kala kulmayso.

Sheekh Aweys ayaa weli gacanta Dowladda Soomaaliya ku jira,iyadoo wax go’aan ah aan laga gaarin kiiskiisa,maadaama Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in go’aan sheekha ay ka gaareyso.

Beesha uu kasoo jeedo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa ay dhowr jeer kulan ka qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayna kala hadleen sidii loosii deyn lahaa Sheekh,inkastoo Dowladda Soomaaliya qudheeda ya soo bandhigtya shuruudo ku aadan siideynta Sheekha.

Dowladda Soomaaliya shuruudaha ay horay usoo bandhigtay ayaa waxaa kamid ahaa in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu la hadlo warbaahinta si rasmi ahna uu ushaaciyo inuu ka tanaasulsay fikirka Shabaabnimada iyo midka jihaadka intaba.

Qaar kamid ah odayaasha beesha uu kasoo jeeda Sheekh ayaa sheegay inaysan ucuntameyn in Sheekha Aweys la dhaho la hadlay warbaahinta kana tanaasul falka Shabaabnimada.

 

Source: Warkii.com