Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 415 Arday Oo Ka Qalin-Jabiyey Jaamacada Camuud

0
1253

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo saaka u socdaalay Boorama si uu uga qayb-galo munaasibad aad u qaali ah oo loo qabtay Ardayda ka qalin jebinaysay Jaamacada Amoud University oo noqonaysa Dufcadii 12aad ee ka baxda Jaamacada Amoud madaxweynuhuna uu kala qaybgelay saaka qalinjebintan ayaa waxay noqonaysaa mid xasuusteeda leh oo uu madaxweynuhu la qaatay Ardaydaasi maanta.

Madaxweynaha oo ardaydii ugu saraysay kuliyada kala duwan ama kaalinta koowaad u galay faculty yadooda Gudoonsiyey Abaalmarintii loogu talo galay, ayaa isna wax la gudoonsiiyey shahaado sharaf aad u qaali ah oo uu u soo diyaariyey Sheekhal beledka Gobolka Awdal oo madaxweynaha ugu talo galay shahaadadaasi qiimaha badan oo muuqaalkeedu yahay Xaramka.

Waxa kale oo madaxweynuhu uu xadhiga ka jaray ka dib markii uu ka soo noqday jaamacada Amoud Guriga Martida oo ah mid Cusub oo la dhamasytiray qaybihiisa kala duwan halkaas oo madaxweynuhu uu ku soo degay maanta.

Source: Somaliweyn

SiilaanyoJaamacadaCamuud20130830_4 SiilaanyoJaamacadaCamuud20130830_1 SiilaanyoJaamacadaCamuud20130830_2 SiilaanyoJaamacadaCamuud20130830_3