Midnimo
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta si rasmiya xariga uga jaray garoonka diyaaradaha ee Hargeysaoo maalmahan dib u dhis iyo ballaarin lagu sameeyay.
Xafladda xariga looga jarayay garoonka oo ka dhacday isla garoonka ayaa waxaa ka qaybgalay 500 oo qof oo isugu jirra maamulka Somaliland, diplomaasiyiin iyo marti sharraf kale oo lagu casuumay.
Sidoo kale waxaa joogay xafladda xubno ka socday safaarada Britain ee magaalada Addis Ababa ,masuuliyiinta shirkada dhisaysay garoonka ee Chine Hono Group.
Madaxweyne Siilaanyo oo ugu horeen xafladda ka hadlay horumarka uu maamulkiisa ku taallaabsaday muddada uu jiray.
Mar uu arrintaas ka hadlaayay wuxuu yiri “Halkan waxa laga sheegay waxyaabo badan oo ay qabatay dawlada Somaliland, waxaana ugu dambeeya tan garoonka diyaaradaha, waanu sii kordhin doonaa, ka sii badin doonaa, waa jibaadka dowladda u taalla waxaa ka mid ah in umadu xilka noo dhiibay in aan u qabano waa inaanu umada wax ku soo kordhino oo aanu horu marino, horu kicino waji kasta oo ay tahay iyo wax kasta oo nolosha dadweynaha saamaynaya.”
Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay garoonka diyaaradaha ee Hageysa oo qaab carsi ah loo dhisay iyo waxyaalaha ku soo kordhay.
Wuxuu yiri “Aiport-ka Qaranka ee Cigaal International ee ku yaala magaalo madaxda Hargeysa ,waa madaar qaran waxaana lagu sameeyay dib u dhis iyo horumar ballaaran, waana mid aynu uga mahad naqayno cid kasta oo inaga caawisay dib u habaynta garoonka, annaga oo aad ugu mahad naqayna dawlada Kuwait, waxaan hanbalyo balaadhan u soo jeedinayaa wasiirka duulista iyo hawada iyo shaqaalaha wasaarada waxa weyn ee qiimaha leh ee ay halkan ka qabteen.”
Intaa kaddib waxaa hadalka qaatay, wasiirka duulista iyo hawada maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, wuxuu ku dheeraaday muddada ay socotay dib u dhiska garoonka Cigaal ee Hargeysa.
Wuxuu “Garoonka aanu maanta furayno oo lagu sameeyey dib u habayn iyo casriyeyn ka kooban 4266m, waxa la sameeyey sannadkii 1958 iyada oo dawlada ingiriisku samaysay, diyaaradaha loogu tala galay wakhtigaas inay ka soo degaan iyo dadka loogu tala galay inay ka dhoofaan waxay ahayd mid aad u kooban, mudadii ay jirtay dawlada somaliya wax hawla oo laga qabtay may jirin taas oo muujinaysa in qaniimadaas wadanka somaliya aan si siman loo qaybsan, maanta waxaynu dib u adkayn ku samaynay Run way-gii hore ee ay dawlada dhistay iyada oo dawlada Kuwait ku bixisay 10,000,000.”
Garoonka ayaa la sheegay in wixii hadda ka dambeeyay uu diyaar u yahay in diyaaradaha caalamiga ay ku soo dagaan.