Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in beelaha ku dhaqan Jubooyinka ay gogol nabadeed ugu fidinayaan, isagoo ku baaqay in laga soo qeyb galo, cid banaanka laga saarayana aanay jirin.
Khudbad uu shalay ka jeediyay salaadii ciida kadib masaajidka Isbaheysiga oo uu arrimo badan uga hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa ay u baahan tahay waqti, isla markaana ay la mid tahay sida canug dhashay oo koriimo u baahan
“Dalka dowlad ayuu leeyahay, dowladeena waa daciif, dhaqaale ma heysato, ciidankeena ma tira badna, awoodeeda wey gaaban tahay laakiin dadka waxaa rabnaa inay ogaadaan canug dhashay oo cararay ma jirto, koriimo ayuu rabaa, inta la korinayo koriimadiisa ma sahlana, dowladnimada wey dhalatay, laakiin koriimo rabtaa, dowladnimada meesha ku dhalatay ma joogi karto ama wey dhimaneysa ama wey koreysaa, labadaba waxay ku jiraan gacmaha, xooga iyo maskaxdeena ayay ku jiraan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa si dadban uga hadlay hadal uu yara qoonsaday, balse uu u ekaa qoraalkii ka soo baxay Maamulka Puntland, isagoo sheegay in aanay wanaagsaneyn in qof walaalkaa ah aad kalmad xun oo xanaf leh ku tiraahdo, taasna ay keeneyso kala tag.
“Qof walba oo Soomaali ah meel kasta caalamka kaga nool yahay kalmada fiican ee wanaagsan ee walaalka wax tareyso ku dheh, kalmada xun ee xanafta leh ee eedeynta ah iyo ceebeynta waxna ma soo kordhineyso waxay kaa sii xumeyneysa qalbigii iyo niyadii midka kale ee walaalkaaga ah ee aad kaashan laheyd, in ajnabi u kala dacwoono, inaan dibada kala aadno oo warqado iskadaba qorno ma ahan, kalmadaha muujinaya in dadka in aanay dowlad yeelan karin halaga kaaftoomo, ma garanayo dadka qaarkiis umada dhexdeeda inay sii wadaan hadaladaas iyagoo mas’uuliyad u haaya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mar soo hadal qaaday go’aanadii ka soo baxay shirkii Kam[ala ayuu sheegay in in dowladda dalka leedahay aanay markii hore la isku khilaafsaneyn, isla markaana dekedaha afarta ah ay dhamaan yihiin hanti qaran, isagoo xusay in aanay dowladda marna qorshaheeda aheyn inay ku duusho oo ay xoog kula wareegto, hase ahaatee marba mid ay maalin gacanteeda soo galeyso.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay inay gogol nabadeed u fidinayaan dhamaan dadka dega Jubooyinka, si looga arinsado waxyaabaha jira, meelna la isla dhigo wixii tabasho ah, lana isku cafiyo.
“Magaalada muqdisho, caasimada Jamhuuriyada Soomaaliya waxaa la fidinayaa gogol, gogoshaas cid ka reeban oo banaanka ka joogta oo ma imaan kartid la leeyahay ma jirto, hala isku yimaado, halagu tashado, ha la isugu cafiyo, haloo gar qaato, wax la wada leeyahay oo dacalada laga wada haayo haka soo baxaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wado hadalo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan magaalada Addis Ababa, iyadoo wada hadaladii horay uga dhacay ee dhex maray Wasiiro dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe aanay wax war ah ka soo bixin.
Source: Jowhar