Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Adis’ababa

0
841

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay magaaladda Muqdisho ayaa gaaray magaalada Adis-Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehliyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlmaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si diirran ugu ku soo dhaweyay Madaxda dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa maanta kulan la qaadan doonaa Ra/wasaaraha Dalkaasi Hailemariam Desalegn, waxayna labadda mas’uul ka wada hadli doonaan xiriirka Labadda dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an xoojinta iyo dib u soo celinta xiriirkii diblamaasiyadeed ee dalalka deriska la ah iyo guud ahaan caalamka.

Radio Muqdisho

XasanSheekhInEthiopia20130820_1

XasanSheekhInEthiopia20130820_2