Mareeykanka oo dib u furaya Safaaradiisa Muqdisho

0
861

XasanSheekhAndUSambassadorMareeykanka ayaa qorsheeynaya ineeyd ib u furan Safaaradii ay ku lahaayeen dalka Soomaaliya, xili shalay Muqdisho uu soo gaaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng, C/raxmaan Yariisoow oo la hadlay warbaahinta Gudaha, ayaa waxa uu sheegay in Mareeykanka uu diyaar u yahay inuu Safaaradiisa ka furto magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweynaha kulanka hore uu la qaatay danjiraha dawlada Mareykanka ee Soomaaliya James McNulty Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, waxaana uu intaa raaciyey in Madaxweynaha uu ergayga faahfaahin ka siiyey howlihii dowladda u qabsoomay mudadii la soo dhaafay iyo arrima kale.

Afhayeenka wuxuu kaloo sheegay in madaxweynuhu uu ku dhawaaqay labo kulan oo midna siyaasadda iyo dib u heshiisiinta looga hadli doono, midna xagjirnada iyo dhibaatadeeda looga hadli doono kuwaasi oo ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Source: Midnimo