Mareykanka oo tababar u furay ilaa 150 Sarkaal u dhashay Uganda oo Muqdisho ku soo fool leh

0
886

AmisomSaraakiil Mareykanka ay ayaa tababar u furay ilaa 150 sarkaal u dhashay Uganda, kuwaasoo isugu jira Boolis iyo Milateri, iyadoo saraakiishan lagu wado in dhowaan soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa noqonaya kuwo ka qeyb qaata howl galka AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo marka tababarka u soo dhamaado ay u soo baqooli doonaan Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska New Vision ee ka soo baxay Uganda tababarkan ayaa saraakiishan lagu siinaya xerooyin ku yaala magaalada Nakaseke, waxaana tababarada la siinayo ka mid ah maareynta, dhaqamada bulshada iyo fulinta howl galada milateri ee goobaha dadka rayidka ah degan yihiin, xirfado isugu jira ka hortaga waxyaabaha qarxa iyo caafimaadka.

Madaxa xiriirka Safaarada Mareykanka ee Kampala Col. William Wyatt ayaa sheegay in ciidamada tababarka u socda ay wax badan ka kororsadeen, isla markaana la siiyay xirfado la xiriira habka hogaamineed ee ciidamada iyo kuwo kale.

Dowladda Mareykanka ayaa taageerada ugu ballaarin siiya howl galka nabad ilaalinta AMISOM, waxaana uu ka saacidaa dhinaca tababarka, qalabeynta ciidamada iyo saanadaha milateri.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waana dalkii u horeeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007-dii.

Source: Jowhar