Kunlankan oo ahaa Mid Sedax Geesood ah una dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya Odayaal dhaqameedyada Beesha Habar Gidir iyo Sheekh Xasan daahir Aweys waxaana kulankaasi looga doodayay sidii loo sii deyn lahaa Sh, Xasan Daahir Aweys oo u xiran Dowladda Federaalka waxaana Dowladda Federaalka ay soo gudbisay Qodob la doonayay inuu saxiixo Xasan Daahir Aweys marka la isku afgarto inkastoo Qodobada la soo bandhigay wax laga badalay Dood dheer kadib
Qodobada ay soo bandhigtay Dowladda waxaa kamid ahaa:
In Sheekh Xasan Daahir Aweys aanu ku lug yeelan Al Qaeda iyo Al Shabaab, In si Nabad Galyo ah uu ugu dhex jiro arrimaha Siyaasada Soomaaliya, iyo Sidoo kale inuu taageersan yahay Qarannimada Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka hase ahaatee markii muddo ay socatay Wadahadalkaas ayaa waxaa qodobada Qaar loo badalay sidatan.
In Sheekh Xasan daahir Aways aanu taageerin Fikradaha Al Qaida iyo Al Shabaab, In Arrimaha Siyaasada uu si Nabad Galyo ah uga qeyb qaato qeybna ka noqdo Dib u heeshiisiinta Soomaaliya, iyo inuu taageeersan yahay Qarannimada Soomaaliya Waxaana qodobkaasi laga reebay Taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Kulankaasi oo soo idlaaday Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Odayaasha Beesha Habar Gidir ay ku heshiiyeen in Xasan Daahir Aweys uu sidaasi fuliyo hase ahaatee Xasan Daahir Aweys ayaa ka dalbaday labada dhinac in la siiyo waqti uu kula soo tashado Saaxiibadii iyaguna ay ka aqbaleen inkastoo aan la ogeyn Watiga ay qaadan doonto wada tashigiisa.