Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Oo Moadaxweynaha ku amaanay sida wanaagsan ee uu uga shaqeeyay heshiiski Adis’ababa

0
830

Barlamaanka20130702Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si diirran usoo dhoweyey heshiiskii Adis’ababa ee lagu soo afjaray xiisadihii ka jirey gobolada Jubbooyinka iyagoo dhanka kalena u mahad celiyey madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya oo ay ku amaaneen inuu hormood ka ahaa in la gaaro muwaafaqadaasi.

Mudanayaashan ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliaya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay heshiiskii ay Adis’ababa ku gaareen dowlada Federaalka iyo maamulka KMG ah ee Jubbooyinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo Labaduba ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay heshiiskaasi oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid taariikhi ah oo muwaafaqo looga gaaray khilaafkii ka dhex oognaa maamulka Jubbooyinka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Munadayaashan ka tirsan golaha shacabka ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay sida wanaagsan ee uu uga shaqeeyay heshiiskaasi.

‘’Heshiiskaasi waa soo dhaweyneynaa aadbuuna muhiim u yahay waana uga mahadcelineynaa cid kastoo qeyb ka qaadatay si gaarana anigoo ku hadlaya magaca dadweynaha gobolada Jubbooyinka waxaan uga mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dadaal badan ku bixiyay hirgelinta heshiiska’’ sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Xidig.

‘’ Heshiiska aniga wuxuu igula muuqdaa tallaabo hore loo qaaday oo la dhihi karo dowladu waxey ku guuleysatay in heshiis laga gaaro xiisadi ka taagneyd maamulka jubbooyinka waxaana u arkayaa arintaasi talaabo loo qaaday dhinaca fiicfan’’ ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Dhawaan ayaa waxaa xarunta Midowga Afrika eee magaalada Adis’ababa ka dhacay heshiis ay kala saxiixdeen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbooyinka oo uu hogaamiyo Axmed Madoobe kaas oo ay soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Radio Muqdisho