Nin Colonel ah oo xalay askari ka tirsan booliska ku dilay Xamar weyne

0
973

XamarWeyne20130819Taliyaha saldhiga booliska degmada Xamar weyne G/Dhexe Maxamed Dahir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Colneyl ka tirsan ciidamada xooga dalka oo xalay nin askari ahaa ku dilay nawaaxiga Isgoyska Afar Irdood.

Taliyaha ayaa sheegay in ninka Colneyl iyo meydka askariga la dilay uu yaalo saldhiga, isagoo xusay inay wadaan baaritaan ku aadan sababta ka dambeysay dilka.

“Maqribii ayay aheyd markii ninkan uu dilay askariga, anagana waa ku baxnay waa soo qabanay, ninkan waa Colneyl ka tirsan ciidamada xooga dalka, ma aqaan sababta uu u dilay laakiin baaritaan ayaa wadnaa”ayuu yiri Taliyaha saldhiga booliska Xamar weyne.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inuu war ku maqlay nin Sarkaalkan dilka geystay gabdho laga qash-qashaaday, isla markaana gacan ka hadal kadib uu ninka dilay, hase ahaatee uu tilmaamay in warkaas aanu xaqiijin karin.

Inkastoo aan la sheegin Colneylka la xiray magaciisa, hadana ma ahan sarkaalkii u horeeyay ee fal dil ah ka geysta Muqdisho, horay ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil ugu fulisay ilaa afar ruux oo nin sarkaal ku jiray horaantii sanadkan markii ay geysteen dil.

 

Jowhar