Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu sheegay in la gaadhay xiligii Somaliland beesha caalamka ka heli hayd ictiraaf caalami, kaas oo ah mid ay u qalanto shuruudihii looga baahnaana ay buuxis ay.
Prof. Axmed Ismaaciil Samar waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaayey ay la yeelatay shabakad caalami ah oo la yidhaa The Africa Report, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, isagoo ka hadlaaya in Somaliland tahay dal ku haboon in ay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalami ah ayaa waxa uu yiri “Waxay cadeeyeen inay is xukumi karaan oo ay nabadna hirgelin karaan. Way u qalmaan in loo aqoonsado qaran jira”.
Prof. Axmed Ismaaciil waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ay iskood u tashadeen oo aanay waxba ka sugay maamulka Muqdisho, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Dadka reer Somaliland waxay arkaan inaanay waxba ka soo socon Muqdisho, xaqiiqiyana ma doonayaan inay dib ugu noqdaan xaaladaas hore”.
Prof. Samatar mar uu ka hadlaayay riyada ah midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Waxaanan arkaa oo ii muuqata in Qadarkii ama Jaaniskii midnimadu wakhtigan uu awdan yahay, Prof. Axmed Ismaaciil ayaa waxa kale oo waraysigaas ku sheegay in siyaasad xumida dawlada Soomaaliya ay keentay in ay u talin kari waydo dhulka ay maamusho, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Ma garan karo sida siyaasadda kari weyday ama aan lahayn karti ay ku maamusho inta gacanteeda ku jirtaa, ay awooddeeda ugu fidin karto qaybaha kale”.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa tan iyo intii uu qaatay mabda’a jiritaanka qaranimada Somaliland, shaaciyayna in uu si dhab ah u taageesan yahay ayaa uu booqashada ku yimi Somaliland oo si heer qaran ah loogu soo dhaweeyay, Prof. Samatar intii uu dib ugu laabtay wadanada dibada ayaa waxa uu fagaareyaal badan ka sheegay jirtaanka qadiyada Somaliland.
Sidoo kale waxa uu fagaareyaal caalami ah ka sheegay sida uu ugu hugoobay hamigii soomaaliwayn oo uu mudo badan aaminsanaa. mahaa markii ugu horaysay ee Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu beesha caalamka u sheego waaxay Somaliland qabsatay uguna baaqo inay taageeraan oo gacan siiyaan Somaliland oo ah qaran waxbadan qabsaday isagoo aan haysan aqoosi caalami ah.
Source: Warkii.com