Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka baxay Xisbiga Hiil-Qaran

0
1005

AhmedIsmailSamatarGUDDOONKA SARE (THE CORE)

WAR MURTIYEED
WAR- MURTIYEED ka so baxay hoggaanka sare ee XISBIGA HIIL QARAN kuna saabbsan xubinnimada Prof. AHMED ISMAIL SAMATAR

CIID WAANAAGSAN DHAMMAN UMMADDA SOOMAALIYEED MEEL KASTA HA JOOGTEE

Hoggaanka sare (THE CORE) Xisbiga Hiil Qaran wuxuu halkaan ku wargelinayaa dhammaan XUBNAHA XISBIGA HQ, taageerayaashiisa iyo dhammaan shacbi weynaha Somaaliyeed uguna caddeynayaa in Prof. Ahmed Ismaiil Samatar uu ka baxay Xisbiga Hiil Qaran. Ugu horreyntii waxaan rabnaa in aan caddeyno in Prof. Ahmed Samatar uusan horay uga tirsanaan jirin hoggaanka sare (THE CORE) ee Xisbiga, haseyeeshe wuxuu ahaa xubin firfircoon, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii wax ka asaasay Xisbiga.

Xisbigu wuxuu u sharraxay Prof. Ahmed Samatar in uu u tartamo doorshadii 2012 ee madaxweynanimada Soomaaliye, taas oo uusan ku guuleysan sida aan wada ognahay. Kaddib hungadii doorashada Prof. Ahmed wuxuu aaday Hargeysa markii uu ka soo noqadayna wuxuu noo soo gudbiyey istqaaladii xubinimadiisa, xisbiguna waa ka aqbalay.

Haddaba xisbigaan waxaa loo asaasay sidii ummadda Soomalidu looga samatabixin lahaa duruufaha cakiran ee dalka ka jira, taas oo ah mid ka goán xisbiga inuu ka dhabeeyo.

Geediga dheer oo lagu doonaayo in lagu xaqiijiyo ahdaafta Xisbiga (Islaamnim – Somaalinimo), qof iyo tiro yar oo ka hartay u dhutinmaayo una dhimanmaayo xisbigu, waana naga goa’ntahay in aan sidoodii u wadno howlaha na-horyaal ee xisbiga.

Geediga wuu soconayaa …

Wassalaama Calaykum
Ibrahim Macallim Mursal
Guddoomiyaha Hoggaanka Sare
Xisbiga Hiil Qaran