Waddooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidanka Booliska dowladda Sooamaliya ay saaka xireen intooda badan.
Meelaha ay Buliisku Xireen waxaa ka mid ah Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho iyo Isgoyska KM4.
Wadadaasi ayaa waxaa la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan kuwaasi oo halkaasi Howlgallo ka sameynaya.
Ciidamadaan Booliska ayaa si aad ah u baaraya Gawaarida yar yare e Raaxada , waxaana Howl galladaan ay imaanayaan iyadoo dhawaan dhagxaanta difaaca la soo dhoobay qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho halka qaarkoodna gebi ahaanba la jaray.
Shabelle