Qaar ka mid ah xildhibaanada oo dhaliiley wadahadalka adis ababa uga socda dowlada iyo Axmed Madoobe

0
839

KismayoCityMudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay wadahadalka udhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ee ka socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Maxamed Shiikh Hiraale oo ah Xildhibaan Jubbooyinka kasoo jeeda ayaa sheegay inay wanaagsanaan laheyd in laga qeybgaliyo talada wadahadalka arimaha Jubbooyinka.

Wuxuu ku tilmaamay shirka hada Adis ka socda inuu yahay mid lala dhuuntay oo dadkii mansabka ulahaa siyaasada Jubbooyinka aan lagala tashin oo lala hareermaray.

Waxaa xusid mudan in wadahadalka Dowladda iyo Axmed Madoobe udhaxeeya ee ka socda Adis Ababa ee dhanka Dowladda u matalaya Faarax C/qaadir ay qeyb ka yihiin Xildhibaano kasoo jeeda Jubbooyinka oo laga qeybgaliyay talooyinka wadahadalka.

Shirka Addis Ababa ka socda oo udhaxeeya dad Soomaali oo aan Ajaanib kala aheyn,ayaa dadka siyaasada indha indheeya waxa ay ku dhaliilayaan inay haboonaan laheyd in dalka gudihiisa lagu qabto wahadalkaasi,maadaama dadka ishaysta ay Soomaali yihiin.

 

Source: Warkii