Qaramada Midoobay oo rajo wanaagsan ka muujisay wadahadalka ka socda Itoobiya

0
904

NicholasKeyNickolas Key Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Adis Ababa ee Wadanka itoobiya ayaa ka hadlay wadahadalada dhinacyada Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uga socda Magaalada Adis ababa ee Wadanka Itoobiya.

Wakiilka Qaramada Midaabay ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo gacan siiyo Soomaaliya waxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada labada dhinac isagoo intaasi raaciyay in loo baahan yahay in dhinacyada kuwada sugan Magaalada Adis ababa ee Wadanka Itoobiya ay isu tanaasulaan.

Dhinaca kale maanta waxaa lagu wadaa in uu dhaco Kulan ballaran ay isugu imaanayaan Wafdiyada ka kala socda Axmed Madaxmed Islaam Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir oo ah Wasiiru Dowlaha wasaarada Madaxtooyada kuwaasi oo kulan gaar ah ka yeelanaya Xaalada iyo wadahadalada maalmihii dambe ay isku qilaafsanaayeen oo Madaalada Adis Ababa uga socday.

Wadahadaladan maanta ay isugu imaanayaan dhinacyadan ayaa yimid kadib markii dhinacyadaasi siyaabo kala duwan oo gaar gaar ah ay ula kulmeen Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Itoobiya iyo Urur Goboleedka IGAD oo iyagu Shirkan Garwadeen ka ah.

Intabadan qodobadii ay isku hayeen ayaa la sheegay inay isaga soo dhawaadeen hase ahaatee wararkii ugu dambeeyay oo Ilo wareedyo laga helayo waxa ay ku waramayaan in maanta Kulankii ugu dambeeeyay ay ku yeelanayaan Magaalada Adis Ababa ee Wadanka Itoobiya.

 

Source: Shabelle