Qarax Khasaaro geystay oo Wasiir ka tirsan Puntland lagula eegtay Garoowe

0
912

QaraxMuqdisho20130712_2Qaraxan Xoogan ayaa Xalay waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Guriga uu leeyahay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/raxmaan Faroole waxaana la sheegay in Qaraxaasi aysan Cidna wax ku noqon.

Ilaa iyo iminka lama oga Cidda sida rasmiga ah uga dambeysa Qaraxan Xalay abaaro 7:30 fiidnimo ka dhacay Guriga Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ka deganaa Magaalada Garoowe hase ahaatee Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo ku sugan Garoowe ayaa saakay bilaabay howlgallo ay ku tilmaameen inay ku xaqiijinayaan amaanka Magaalaada isla markaana ay ku ogaanayaan Cidda ka dambeysa Qaraxa Xalay ka dhacay Gudaha Magaalada Garoowe.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay oo ilaa iyo iminka ay ku sugan yihiin Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ayaa wax war ah aan ka soo saarin mana jirto Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland oo ka hadashay Qaraxaasi.

Source: Shabelle