Qarax miino oo labo qof ku dilay Kismaayo

0
823

KismayoCityLabo qof oo rayid ahaa ayaa ku geeriyootay qarax miino oo maanta ka dhacay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Dadka dhintay oo la socday gaari Toyota ah ayaa la sheegay in uu jirkooda go’ay.

Goobjooge codsaday in aan la magacaabin ayaa dhacdada u sheegay Bar-kulan.

Ciidamada maamulka Jubbaland oo gaaray goobta ayaa billaabay baaritaanno ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysay falka.

Ma cadda sababta ka dambaysa qaraxa.

 

Bar-kulan