Qaraxyo iyo dilal Xalay ka dhacay qaar ka mid ah Xaafadaha Muqdisho

0
864

QaraxMuqdishoWaxaa xalay Qaraxyo loo adeegsaday Bambaanada gacanta laga tuuro ay ku weerareen Suuqa Arjentin ee degmada Kaaraan waxaana ku dhintay hal qof halka labo kalena oo mid uu yahay Askari dhaawac ka soo gaaray qaraxyadaasi.

Ciidamada dawladda ayaa baaritaano ka sameeyey Suuqa xaafada Arjentin markii ay qaraxyadaasi dhaceen inkastoo aan la soo sheegin dad la soo qabtay oo lala xiriirinaayo inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan dambe waxaa la soo dersay amni daro baahsan, kadib markii ay sii kordheen dilalaka iyo qaraxyada ,shalay ayaa waxa lagu dilay muqdisho labo qofood oo la socday haweney u dhalatay dalka Sweden taasi oo iyaduna dhaawac soo gaaray.

Ma jirto wax talaabo ah oo ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ka qabteen dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo bil kasta la maqlo ciidamo tababar soo dhamaystay oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

 

Source: Somaliweyn