Qaraxyo waaberigii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

0
987

MogadishuStreetLightsIllaa labo qarax ayaa Waaberigii Saaka waxaa lagu qarxiyay Baalayaasha Soolarada ku xiran Wadada shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijisay Wariyaheenna Xamdi Cali Axmed mar qura ayaa si is xig xigta waxaa loo Maqlay qaraxyo ay sameeyeen Baalayaashaasi kuwaasi dabka ku xiran ay sii xoojiyeen qaraxyada.

“Gebi ahaan baalayaasha la qarxiyay haatan waa ay basbeeleen “ ayey tiri Wariyaheenna Xamdi Cali Axmed oo gaartay Goobta qaraxyadu ay ka dheceen.

Horay ayaa sidaan oo kale waxaa loo qarxiyay baalayaasha soolarka iftiinka dhaliya habeenkii ee ku xiran Magaalada Muqdisho kuwaasi oo hay’adaha Ammaanka ay ku eedeeyaan Ururka Al Shabaab.

 

Source: