Gudiga gaadiidleyda Muqdisho ayaa wali qeylo dhaan ka wada xirnaanshaha wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxeyna soo saareen baaq kale oo ah in wadooyinka dadweynaha loo furo
Afhayeen u hadlay gudiga oo Radio Dalsan la hadlay ayaa sheegay in aysan dan u aheyn shacaka magaalada in wadooyinka ay xirnaadaan isla markaana amaanka uu ku jiro in aan wadooyinka la xiran oo shacabka loo ogolaado isu socoasho.
Dawlada ayaa dhawaan qaaday olole wadooyinka lagu xiray si looga hortago weerarada kooxda Shabab ay geysanayeen , laakin saraakiil ka tirsan dawlada ayaa dhinacooda ku andacoonaya in amniga magaalada aan lagu sugi karin wado la xiro balse loo baahanyahay in ciidamadu shaqeeyaan.
Source: Warkii