Xili shalay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Guriceel ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya qilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolkaasi.
Ilo ku dhow Xubno ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ayaa Shabelle waxa ay u xaqiijiyeen in ay u kala qeyb sameen labo kooxood Ahlu Sunna Waljmeece ee iyagu jooga Gobolka Galgaduud kuwaasi oo isaga soo horjeestay arrinta ku saabsan socdaalka uu Guddoomiyaha Cusub ee dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacaawday Gobolka Galgaduud uu ku tagay Magaalada Guriceel
Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in Xubno uu horkacayo Macali Maxamuud ay ka soo horjeesteen in Guddomiye Cirfo uu ka dego Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyadoo dhanka kalena Xubno kale uu horboodayo Sheekh Axmed C/laahi Ilkacase ay ka soo horjeesteen Xubnaha ka tirsan Ahlus Sunna ee iyagu diidan Guddoomiyaha Cusub.
Xogta aynu ka heleyno Mas’uuliyiin kamid ah Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sidoo kale waxaa ay tilmaamaysaa in Sheekh Axmed C/laahi Ilkacase iyo intii la safan ay ku doodayaan in Dowladda iyo Ahlus Sunna ay isku mid yihiin oo wada shaqeyn ay ka dhaxeyso sidaa daraadeedna aysan muuqan wax lagu mucaarado Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo.
Sikastaba Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb ayaa waxaa ka soconayo Kulamo lagu dhex dhexaadinayo Mas’uuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca oo isku qilaafsan Guddoomiyaha Cusub ee dhawaan Dowladdu u magacaawday Gobolkaas.
Source: Shabelle