Maxkamad ku taalla magaalada Norfolk ee dalka Maraykanka ayaa xabsi daa’in ku xukuntay saddex burcad badeed Soomaali ah oo lagu helay dilka afar muwaaddiniin u dhalatay Maraykanka.
Ragga ay maxkamadda xukuntay ayaa kala ah Axmed Muuse Salaad oo ku magac-dheer Af-magalo, Abuukar Cisman Beyle iyo Shaani Nuraani Sheekh Abraar.
Dacwad oogayaasha ayaa eedeysanayaasha markii hore ku xukumay xukun dil ah, balse guddi xeer-beegto ah ayaa ku taliyay in lagu xukumo xabsi daa’in halkii la dili lahaa.
Saddexda nin ayaa qeyb ka ahaa koox burcad badeed ah oo ka koobnaa 19 nin kuwaas oo sanadkii 2011 fuulay doon laga leeyahay Maraykanka oo ay saarnaayeen afar rakaab ah oo iyaguna Maraykan ah.
Waxay dileen dhammaan afartii qof ee rakaabka ahaa kaddib markii markab dagaal oo laga leeyahay Maraykanka uu isku dayay inuu xoog ku furto la-haystayaasha.
Bar-Kulan