Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa Ballanqaaday iney dib u dhis ku sameyneyso dhowaan Golaha Murtida iyo Madadaallada National Tyater,Isbitalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir iyo Garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho kadib kulan ay Mas’uuliyiinta Shirkadaasi ay magaalada Shangahai kula qaateen Ra’isulwasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalimaga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogtay dalka Shiinaha ayaa waxa ay la kulantay shirkad qaabilsan dhanka ganacsiga iyo dhismaha oo dalka Shiinaha laga leeyahay.
Shirkadahaasi waxaa ugu waaweynaa shirka dhiseysa garoonka Kubbadda Cagta ee Muqdisho Studium, Tiyaatarka iyo Banaadir Hosbital, shirkadan oo sheegtay iney qaadaneyso Sadexdan Mashruuc iyagoo aan dowlada Soomaaliya waxba dhaqaale ah weydiineynin ayeey R/wasaare ku xigeenku ku dhiirigelisay iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku dedejiyaan howlahaasi.
Shirkada ayaa waliba soo bandhigtay naqshada iyo qaabka ay doonayaan iney u hagaajiyaan Sadexdaasi dhismo taas oo aheyd mid aad u qurux badan oo soo jiidatay R/wasaare xigeenka iyo madaxdii la socotayba.
Sidoo kale shirkado kale oo ay la kulantay R/wasaare ku xigeenka ayaa dalbaday iney dib u dhis ku sameeyaan waddooyinka marka laga reebo kuwa Turkigu dhisayo.
Dowlada Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka dhinaca dhismaha aadka ugu horeya iyadoo sadexda xarumood oo ay dayactirka ku sameynayaan ay ka mid ahaayeen mashaariic ay dowlada Shiinihu hore uga hurgelisay dalkeena Soomaaliya.
Source: Radio Muqdisho