Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtey shir weyn oo loogu hadlaayo sidii loo kobcin lahaa waxna looga qaban dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan qeybaha kala duuban oo ka kooban beeraha, xoolaha iyo kaloomeysiga.
Shirka wuxuu socon doonaa muddo laba maalmood ah August 27-28, waxaana iska kaashadey hey’adha USAID, DAI iyo Somaliya Agriculture Technical group.
Labada maalmood uu shirkani socdo, waxaa lagaga doodi doonaa, natiijadii ka soo baxey wada tashi iyo daraasad socotey muddo bil ku dhowaad ah oo ay sameesey hey’ada SATG. Daraasadan ayaa waxaa lagu qiimeenaayey baahida ka jirta qeybaha kala duwan ee beeraha, xoolaha, iyo kaluumeysiga ee gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya.
Shirka waxaa ka qeyb galey hey’adaha deeq bixiyayaasha oo ay ka mid yihiin African Development Bank (AFDB), World Bank, WFP iyo FAO. Waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb galay Wasaarada Kheyraadka Dalka, Rugta Ganacsiga Somaliya, Khubaro Somaaliyeed oo ku taqasusey dhinaca beeraha iyo xoolaha.
Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galey NGO’s ka socda Somaaliya, iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Hey’ada Almiizaan oo soo saara saliida sisinta, Maxjarka Xoolaha Jaziira iyo kuwa kale.
Hey’ada USAID ayaa ku tala jirta iney maalgelin ku sameeyso qeybaha dhaqaalah gaar ahaan dhinaca beeraha iyo xoolaha sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka loona abuuri lahaa shaqo dadka shaqo la’aanta ah.
Shirkan ayaa lagu falanqeyn doonaa qeybaha u baahan in la siiyo mudnaanta koowaad gaar ahaan dhinaca maal gelinta.