Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gaba-gabeeyey shirkii labada maalmood ahaa ee lagu falanqeenaayey kubcinta dhaqaalaha ee gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya.
Shirka waxaa ka qeyb galey hey’adaha deeq bixiyayaasha oo ay ka mid yihiin African Development Bank (AFDB), World Bank, WFP, UNDP iyo FAO. Waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb galay Wasaarada Kheyraadka Dalka, Rugta Ganacsiga Somaliya, Khubaro Somaaliyeed oo ku taqasusey dhinaca beeraha iyo xoolaha.
Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galey NGO’s ka socda Somaaliya, iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Hey’ada Almiizaan oo soo saara saliida sisinta, Maxjarka Xoolaha Jaziira iyo kuwa kale.
Hey’ada USAID ayaa ku tala jirta iney maalgelin ku sameeyso qeybaha dhaqaalah gaar ahaan dhinaca beeraha iyo xoolaha sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka loona abuuri lahaa shaqo dadka shaqo la’aanta ah.
Shirka waxaana iska kaashadey hey’adha USAID, DAI iyo Somaliya Agriculture Technical group.
Shirkan ayaa si weyn loogu falanqeeyey qeybaha u baahan in la siiyo mudnaanta koowaad gaar ahaan dhinaca maal gelinta. Waxaan la go’aansadey in qeybaha soo socda la maalgeliyo:
Dhinaca Xoolaha:
1. In la hormariyo ganacsiga caanaha.
2. In la hormariyo aqoonta dadka, adeeyada maaliyadda, iyo wax soo saarka
3. In la hormariyo ganacsiga hilibka gudaha dalka iyo dibadiisa.
4. In la hormariyo ganacsiga wax soo saarka calafka la siiyo xoolaha
5. In la hormariyo hey’adaha dowlada u qaabilsan adeegyada xanaanada xoolaha.
Dhinaca Beeraha:
1. In la hormariyo shuruucda u degsan beeraha iyo wax soo saarkooda.
2. Maalgelinta tijaabooyinka beeraha.
3. dhisida aqoonta howlwadeenaha beeraha, iyo kuwa ka ganacsada qalabka beeraha, abuurka iwm.
4. In la hormariyo qeybaha ka kooban diyaarinta cunaha beeraha.
5. In la dhiso aqoonta dadka ka howlgala abuurka beeraha iwm.
6. In tijaabooyinka teknolojiyada cusub ee beeraha, loo gudbiyo wasaaradda Kheyraadka dalka, ganacsiga iyo beeraleyda.
Ugu dambeyntii xiritaanka shirka ayaa hadal ka jeedisey Mary-Beth oo ah la taliye hey’ada USAID u qaabilsan Somaliya iyo waxaa sidoo kale xiritaanka shirka hadal ka jeediyey mudane Suleyman Maxamed oo ah madaxa hey’ada DAI u qaabilsan Soomaaliya.