Siyaasiyiin lagu eedeeyey abaabulka Maleeshiyo beeleed

0
921

CeelWareegow1Taliyaha ururka sadexaad ee guutada labaad ee milateriga soomaaliya colonel geeseey cali indhoole ayaa sheegay in rag siyaasiyin ahi ay soo abaabuleen ilaa 300 oo maliishiyo beeleed ah kuwaas oo la geeyay degaano kala duwan oo ka tirsan gobolka sh hoose.

Taliye geeseey ayaa mar uu wareysi gaar ah siiyay idaacada dalsan waxaa uu beeliyay eedeyn uu usoo jediyay maamulka degaanka ceel wareegoow ciidanka mikateriga oo uu ku tilmaamay inay dhibaateeyaan dadka degaanada isaga hoos yimaada waxana uu sheegay in cidamada dowladu aysan degaanadaasiba ku sugneyn oo ay jiraan dhanka laamiga.

Geeseey ayaa tilmaamay in dowladu ay ku guul dareysatay inay wax ka qabato maliishiyo beeleedkaas oo qaab aan sharci ahayn u abaabulan sida uu yirina ay wax ka ig yihiin maamulka gobolka shabeelada hoose.

Waxaan isku daynay inaan xiriir la sameyno maamulka gobolka shabeelada hoose si uu dhonaciisa jawaab ugabixiyo waxase aan noo suurtagalin in aan haleelno.

Dhinaca kale colonel geesey ayaa ka war bixiyay dagaal cawa ciidamadisa iyo alshabab ku dhaxmaray degaanka calamada ee saldhigoodu uu yahay kuna dhow degmada afgooye ayna iska caabiyeen kadib markii shacabka ay ka heleen digniino ku aadan duulaanka al shabaab.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 

Source: Warkii