Siyaasiyiinta isku soo taageysa doorashada madaxtinimada Puntland ayaa soo badaneysa, xilli lagu wado in bisha Janaayo ee sanadka 2014 ay ka dhacdo Puntland doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo ay soo dooranayaan Isimo dhaqameedyada.
Siyaasiga Cali Cabdi Awaare oo horay xilal uga soo qabtay Puntland, marna ka mid ahaa La Taliyeyaasha Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimada Puntland.
Mr Awaare ayaa sheegay in waayo aragnimo u leeyahay Puntland, isla markaana wax badan oo ka dhiman diyaar u yahay inuu wax ka qabto hadii uu ku guuleysto.
“Waxaan ku dhawaaqayaa inaan ahay musharax u taagan madaxweynaha Puntland ee doorashada dhaceysa bisha Janaayo ee sanadka soo socda”ayuu yiri Cali Cabdi Awaare.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa horay ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada Puntland, isla markaana ku han weyn yahay.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo mudadii sanadka ee uu ku darsaday ay gabo gabo mareyso ayaa wajahaya mucaarado xoogan oo uga imaanaya siyaasiyiin iyo qabaa’ilada deegaanka ah, iyadoo uu doonayo inuu mar kale isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha Puntland.
Source: Jowhar