
Shacabka Soomaaliyeed ee Sida qaxootinimada ah ugu nool dalka Kenya, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay maxkamada Kenya kaga laabatay dib u celintooda.
Qaar kamid ah dadkaas oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, ayaa waxay sheegeen ineey soo dhaweeynayaan go’aankaasi.
” Arintaasi waxay keentay walaac farabadan iyo baqdin farabadan ayay dadka ku abuurtay, waxaa jiray dad fara badan oo hantidii ay lahaayeen xaraashay go’aansaday ineey isaga noqdaan meelihii ay ka kala yimaadeen ee Soomaaliya” sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.
Inkastoo Soomaalida Kenya ay u badanyihiin dad qaxooti ah, hadana waxay saameyn weyn ku leeyihiin ganacsiga dalkaas, waxaana jira ganacsi ballaaran oo Soomaalida ay ku leeyihiin magaalada Nairobi, taas ayaana loo sababeeynaa dib uga laabashada go’aankii hore ee doowlada Kenya.
Wadanka Kenya ayaa waxaa dagan qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed, kuwaasoo ka barakacay dagaalo ka dhacay dalka Soomaaliya.
Source: Midnimo