Taliyaha Booliska Soomaaliya oo sheegay in amni darada Muqdisho ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin

0
937

Saacid20130727_3Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) ayaa ku tilmaamay amni darada magaalada Muqdisho inay hurinayaan dad uu sheegay inay siyaasiyiin yihiin oo danahooda ka raadinaya Mansab.

Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta Booliska ee Muqdisho ayuu sheegay in Ciidamada booliska ay heegan yihiin, saacad kastana ay ka hortagaan weeraro, isagoo ugu baaqay shacabka inay ammaanka kala shaqeeyaan.

Jen. Saacid ayaa sheegay in falalka Al-Shabaab ka geysanayaan magaalada Muqdisho ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin, kuwaasoo sheegaya buu yiri in Amni uusan ka jirin magaalada, hase ahaatee aanay taas waxba ka jirin.

“Waxay rabaan umada inay ku hayaan baqdin joogta, qarax joogta ah iyo dhibaato joogta ah, mashaakil iyo jahwareer geliyaan, waxaa ku lamaansan kuwa siyaasiyiin ah oo doonaya danahooda ka raadinaya mansab inay amniga ugu gambadaan, amnigii baa xumaaday iyo hadalo kale inay meelaha ka sheegaan”ayuu yiri Jen. Saacid.

Jen. Saacid ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in shalay markii ay siyaasiyiinta ay xilal hayeen aysan sidaas u hadleyn, balse markii aysan heyn waxba ay ka hadlayaan sida uu yiri.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo magaalada Muqdisho weeraro u badnaa qaraxyo ay ka dhacayeen tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan Ramadaan oo haatan gabo gabo ah.

Source: Jowhar