Tirada Ciidamada AMISOM oo la Gaarsiinayo ilaa 25,000

0
915

AmisomMadaxda doowladaha ay Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ka joogaan Soomaaliya, ayaa isla meel dhigay in la kordhiyo Tirada Ciidamadaas, si ay u sugaan amaanka Goobaha ay Gacanta ku hayaan Ciidamada AMISOM ama ay kaga suganyihiin Soomaaliya oo ay Markaa u buuxiyaan meelaha ay baneeyeen Ciidamada Ethiopia gaar ahaan Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Mahamed Salah Annadif, oo ah madaxa Howlgalada Ciidamada AMISOM oo kahor hadlayay shir shalay kusoo gaba gaboobay Kampala, ayaa sheegay in AMISOM ay dooneyso in Golaha amaanka ee QM oo ah kan ansixiyay Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu Ogolaadoin tirada AMISOM ka joogto Soomaaliya oo hada ah 17,700 oo Askari in la gaarsiiyo 25,000 Askari.

Labadii sanadood ee lasoo dhaafay Ciidamada AMISOM waxay dagaal uga saareen dagaalyahanada Ururka Al-shabaab magaalooyin waaweyn oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho, laakiin sugida amaanka magaalooyinkaas ayaa caqabad weyn ku ah Ciidamada AMISOM, iyo Ciidamada doowlada Federaalka Soomaaliya.

Axadii lasoo dhaafay dhowr qof ayaa lagu dhaawacay weeraro is xig xigay oo Bambo Gacmeedyo loo adeegsaday oo kadhacay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay ineey dhaceen ugu yaraan 10 Qarax, gaar ahaan goobo ku dhow dhow xaruumaha Ciidamada Amaanka ay ka daganyihiin magaalada Muqdisho.

Midnimo