Tirakoobka dadweynaha Beledweyne oo billowday

0
930

BeledweyneMashruuc loogu magacdaray darisaynta iyo tirakoobka dadweynaha ayaa galinkii dambe ee shalay ka billowday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Hiiraan Bashiir Xuseen Dhoorre oo hadal ka jeediyay xaflad lagu soo xiray tababar labo maalmood u socday howl-wadeennada, laguna furayay tirakoobka iyo darisaynta ayaa sheegay in daraasad socotay dhowr bilood kaddib lagu guuleystay in la billaabo mashruuca.

Bashiir ayaa intaas ku daray in la tirakoobayo dadka deggan magaalada, kuwa ku soo barakacay, ganacsiga iyo xoolaha, taasoo looga gol leeyahay sidii loo sugi lahaa ammaanka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo gabagabadii xafladda hadal ka jeediyay ayaa dadweynaha gobolka Hiiraan ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan sugidda ammaanaka, si ay u gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Nidaamkan darisaynta oo horay looga hirgaliyey inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ah mid sahlaya in shacabka iyo ciidamadu ay iska kaashadaan sugidda nabadgalyada.

 

Bar-kulan