Wada hadalo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Kismaayo ayaa muddo ku dhow todobaad ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobo muhiim ah oo mararka qaar hakad gelinayay wada hadalada.
Xubno ka tirsan IGAD, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa shirka dhinac ka riixaya, iyagoo dhowr jeer ku guuleystay in shirka aanu fashilimin, kadib markii lagu kala tagay qodobo ay adkaatay in tanaasul laga sameeyo.
Wararka ayaa sheegaya in shirka ay dhici karto in maanta la soo gaba gabeeyo, iyadoo qodob kaliya uu haray, kaasoo la isku mari la’yahay, waxaana ka mid ah qodobka cida maamuleysa ilaha dhaqaale ee Dekeda Kismaayo iyo Garoonka diyaaradaha, kaasoo Gudiga loo saarayo la isku haayo cida soo magacaabeyso.
Inkastoo inta badan qodobada taagnaa la isla gaaray, balse wali ma dhicin heshiis ay wada saxiixeen labada dhinac, iyadoo xalay uu dib u dhac ku yimid in labada dhinac ay saxiixaan heshiiska, taasoo keentey in dib loo dhigo xaflad gunaanad ah oo shirka loo sameyn lahaa.
Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya ayaa rajo ka muujiyay in shirkan uu miro dhalo, waxaana goobta shirka ka socdo oo ah xarunta Wasaarada Arrimaha dibada uu dhowr jeer shirka noqday mid lagu kala kacay.
Qodobada ilaa iyo hada la isla gaaray ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe ka laabto sheegashada Jubaland, muddo sanad ah uu noqdo Hogaamiyaha Maamulka Jubba iyo Gedo, kaasoo yeelanaya saddex kuxigeen, gobol walbana uu Gudoomiye u gaar ah uu yeelanayo.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Source: Jowhar