Wadahadaladii u dhaxeeyay DFS iyo Axmed Madoobe oo la isku mari waayay

0
951

AhmedModoobe20130525Wadahadaladan leesku mariwaayay oo muddo labo Cisho ah ka socday Magalada Adis Ababa ee Wadanka Itoobiya ayaa ahaa mid u dhaxeeyay Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Wakiilo ka tirsan Maamulka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ee Jubaland

Kulamada oo Garwadeen qaarkood ay ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa labada dhinac isfahmiwaa uu soo kala dhexgalay kadbna waa lagu kala dareeray Kulamo gaar gaar ah o ay Magaalada Adis Ababa ku yeesheen Xubno ka kala socda labada dhinac.

Kulamada gaar gaark ah waxaa hareer socday kulamo ay yeelanayeen Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe oo shaaciyay in loo doortay Madaxweynaha Jubland iyadoona sidoo kale ay jireen kulamo kale oo gaar gaar ah isla markaana Wakiilo ka kala socda labada dhinac ay ku yeelanayeen Magaalada Adis Ababa ee Wadanka Itoobiya.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo sidoo kale Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay usku afgarteen qodobo dhowr ah inkastoo markii dambe gudiga labada dhinac kulamada nuucaasi ay isku afgaranwaayeen.

Ilo madaxbaan oo ku sugan Magaalada Adis Ababa ee Wadanka Itoobiya ayaa Shabelle u sheegay in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Axmed Madoobe ay ku heshiiyeen in Shir dib u heshiisiineyd la qabto isla markaana lees waafajiyo Maamulada Gedo, Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe uu hal qof maamulo sida lagu heshiiyay waxaana la sheegay in loo sameynayo Guddoomiyeyaal KMG ah 3-da Gobol uu Madax ka noqonayo Axmed Madoobe iyadoo la sameynayo labo Guddomiye ku xigeen iyo sidoo kale Gole fulin oo Goboladaasi ka shaqeeya intaasi markii ay isku afgarteen Axmed Madoobe iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in buuq uu hareeyay kulamo kale oo ka socday Magaalada Adis Ababa ee Itoobiya kaasi oo dhexmaray Xubno ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Xubanaha Dowladda ka socday waxaa kamid ahaa Maxamed C/laahi Sanbaloolshe oo mar ahaa Wasiirka Amniga Dowladdii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake isla markaana ah Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Ingriiska, C/rixmaan C/Shakuur Warsame oo ah lataliye dhinaca Siyaasada ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo 3 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya dhinaca Axmed Madoobena waxaa ka socday sida ilaha Madaxabaan ay xaqiijinayaan Cabdi Cali Raage, Maxamed Cabdi Gaandi, C/laahi Sheekh Cumaaciil Fartaag iyo Cumar C/rashiid Cali Sharkaake waxaana la sheegay in kulankaasi uu hareeyay buuq iyo sawaxan farabadan kadib markii lasoo hordhigay isfaham ay gaareen Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Jubland.

Prof, Maxamed Cabdi Gaandi oo mar ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga Dowladdii KMG ka oo ka hadlay Kulankaasi uu buuqa hareeyay ayaa waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu hareermaray sida uu hadalka u dhigay Dastuurkii Jubland kadib markii 30 Cisho laga doonayay inuu soo dhiso Gole Wasiiro laakiin 30 kale loogu daray isla markaana aan ku soo dhisin Gole Wasiiro taas oo keentay in kulanka buuq uu hareeyo.

Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya iyo Xubno kale oo ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa soo kala dhexgalay Xubnaha Kulankooda buuqa uu hareeyay waxaana markaasi lagu wargeliyay in Shirka Albaabada loo laabay oo la’iskugu imaan doono maalinta bari oo ku began maanta kaasi oo markale ay isku arki doonaan dhinacyadaasi balse waxaa si rasmi ah aan loo ogeyn waxyaabaha Kulankooda lagu soo afmeeri doono.

Dowladda Itoobiya iyo Urur Goboleedka ayaa kaalin muuqata ka ciyaaraya isusoo dhawaanshaha Maamulka Axmed Madoobe iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya laakiin Dowladda ayaa waxaa ka go’an inay ka dhaadhiciso Axmed Madoobe inuu yimaado Magaalada Muqdisho iyo sidii Shir dib u heshiisiineyd ay u dhanyiin Beelaha Jubbooyinka ay isugu imaan lahaayeen islamarkaana loo qabto halka Axmed Madoobe iyo Xubnaha la socda ay iyaguna doonayaan in la aqoonsado Maamulka Jubbland.

 

Source:  Shabelle