Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo xalay gaaray xarunta gobolka Shabeelada Hoose ayaa saakay magaalada Marka kulamo kula leh odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi, ayadoo kulamadana looga arinsanayo xal u helida dagaal beeleedyo ka dhacay qeybo ka tirsan gobolkaasi.
Wafdigan uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Maxamed Axmed Jaamac ayaa ujeedadiisu aheyd sidii bulshada loogu sharaxi lahaa natiijada kulan ay gar wadeen ka aheyd wasaarada arrimaha gudaha oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dhameystirayay heshiis dhexmaray beelo dhawan ku dagaalamay gobolkaasi.
Sidoo kale wafdiga oo shalay gaaray magaalada Marka ayaa la filayaa in saaka ay kulamo gooni gooni ah la yeeshaan mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada ku nool magaalada Marka iyo gobolka intiisa kale.
Mas’uuliyiinta maamulka G/Sh/Hoose ayaa qeyb ka ah kulamada la xiriira dhinaca nabada waxeyna sheegeen iney si weyn usoo dhaweynayaan dadaalka ay waddo wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.
‘’Wan Soo Dhaweyneynaa dadaalka ay waddo wasaarada ariimaha gudaha iyo amniga Qaranka guud ahaan oo lagu nabadeynayo labadii beelood ee ku dagaalamaay gobolka Sh/Hoose meel fiicana dadaalkaasi wuu soo gaaray’’Sidaasi waxaa yiri Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka G/Sh/Hoose ee dhinaca maaliyadda.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiayay in dadaalka ay waddo wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Qaranka uu tabbagal noqondoono, isagoo intaa ku daray in bulshada ku nool gobolka ay baahiweyn u qabaan nabadgelyo iyo horumar.
Source: Shabelle