War saxaafadeed ka soo baxay golaha aqoonyahanadaa beelaha banaadirig

0
915

DegmadaXamarWeyneDegmada Xamarweyne oo lagu yaqaano beesha Banaadiriga ayaa waxaa gudoomiye ka ah nin ka yimid gobolada dhexe laguna magacaabo Gardhuub. Sidoo kale kulumeysatada Xamarweyne waxaa madax u ah nin sanado ka hor ka yimid gobolada Dhexe iyadoo la wada ogyahay in beeshiisa aysan kaluumeysan balse uu jagadaas xoog ku heysto oo uu lacag baad ah ka qaato kaluumeysatada Kawaanka Xamarweyne.

Iska daa gudoomiyaha Degmada Xamarweye beesha Banaadiriga waxa ay xaq u leedahay in ay qabtaan jagada gudoomiyaha gobolka banaadir waayo waa beel taariikh dheer iyo xadaarad ku leh magaalada Muqdisho.

Dr.ali omar abati binfaghi oo ah guddoomiyaha golaha aqoonyahanada banaadiriga ayaa ku tilmaamay wax aad loola yaabo in beesha banaadiriga laga xarimo in ay qabato jagada Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyadoo la wada ogyahay in beesha Banaadiriga ay Qarniyaal degan tahay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha golaha aqoonyahanada dr.ali omar abati ayaa ku andacooday in Beesha Hawiye ay mudo badan soo hayeen jagada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayna hadda hayaan jagada Madaxweynaha Soomaliya sidaas darteed ay markan iyaga mudan yihiin in ay qabtaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dr.ali omar abati ayaa ku tilmaamay in ay tahay arin beeshooda loogu gafayo in mar walba la siiyo gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir taas oo uu ku tilmaamey in ay macnaheedu yahay in ay beesha Banaadiriga Haaf tahay beesha Hawiye-na Kaamil.

Guddoomiyaha golaha aqoonyahanada dr.ali omar abati ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in qof u dhashay beeshiisa uu u magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hadalka gudoomiye dr.ali omar abati ayaa imaanaya iyadoo maalmahan la hadalhayo in Jagada laga qaadi doono Gudoomiyaha goboka Banaadir Maxamud Tarsan waxay dowladu tiraahdaa xaq ma jiro xal ayaa jira anagana waxaan leenahay xaq ayaa jira ee xal ma jiro waxaan ugu baaqaynaa in madaxweynaha in xaqa ay reer banaadir leedahay in uu siiyo oo aan lagu tumanin waayo dowladii ku meel gaarka ahaa way ku soo tunteen xaqa reer banaadir reer banaadir waa in mudnaanta koowaad la siiyaa.

 

Source: Jowhar