Warar dheeraad ah oo kasoo baxey kooxo hubaysan oo Nabadoon caan ah ku dilay magaalada Beladweyne

0
892

TargetingAssasinationWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil magaalada Beladweyne loogu geystay Afhayeenkii golaha dhaqanka odayaasha gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cilmi Ibraahim.
Allaha unaxariistee Marxuumka ayaa lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa xili uu isku diyaarinayay Anfurka, waxaana la soo warinayaa inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkiisa.
Lama garanayo sababaha loo dilay hase ahaatee waxaa la rumeysanyahay in dilkiisa ay ka dambeeyaan kooxda dhagarqabayaasha ah ee Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Baladweyne Cali Dhuux Mahad Alle ayaa warbaahinta uxaqiijiyay geerida Nabdoonka, waxa uuna Taliyaha tilmaamay in dilka nabadoonka uu ka dhacay xaafada Howl-Wadaag ee magaalada Baladweyne.

Dilka Nabadoonka ayaa imaanaya xili magaalada Baladweyne shalay lagu soo bandhigay labo ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Maxkamada gobolka Hiiraan.

Source: Somaliweyn