Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Bakool

0
888

Dhalinyarada20130618Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaal ka dhacay Gobalka Bakool ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid kulul oo ciidanka Ethiopia iyo kuwa Shabaab dhexmaray.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Ethiopia ay howlgalo ka sameeyeen duleedka Degmada Xudur,halkaasi oo ay isku farasaareen xoogag ka tirsan Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay la maqlaye dhawaqa rasaas culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen,inkastoo dagaalka uusan noqon mid sii socda oo durba uu istaagay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Bakool ayaa laga soo xigtay in dagaalka uu yimid xilli ay sameynayeen howlgal sahan dagaal ah,rag Shabaab ka tirsana ay soo weerareen.

Lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo labada dhinac soo kala gaaray,laakiin wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

 

Source: Warkii