Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada Addis Ababa oo bur bur qarka u saaran

0
879

ShirkaAdisAbabaJubaland20130824Wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Kismaayo ayaa bur bur qarka u saaran, iyadoo ergooyinka labada dhinac ee ka qeyb galaya wada hadalada ka socda Addis Ababa ay shalay ku kala tageen qodobo dhowr ah.

Inkastoo wada hadaladu ay yihiin kuwo ay adkeyd in warar ka soo baxaan, ayaa hadana kulankii shalay uu ahaa kii ugu adkaa kulamadii ka horeeyay, kadib markii la isku khilaafay qodobo ku saabsanaa maamulka Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobo horay la xiriiray maamulka Jubaland la isla meel dhigay, hase ahaatee ergooyinka uu hogaaminayo Axmed Madoobe ay ka hor yimaadeen qodobka ku saabsanaa Dekeda iyo Air Porka.

Ergooyinka dowladda Soomaaliya u matalaya wada hadalka ayaa soo jeediyay in Garoonka Kismaayo iyo Dekeda ay dowladda lahaato maamulkeeda, si lagu qayaxay war murtiyeedkii shirkii Madaxweynayaasha dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ka soo saareen ee horaantii bishan ku yeesheen Addis Ababa.

Axmed Madoobe iyo Ergooyinkiisa ayaa shirka isaga baxay, kadib markii ay ku adkeysteen in qodobkaas dib loogu dhigo, balse ay diideen Ergada dowladda Soomaaliya, iyadoo shalay la filayay gelinka dambe in la saxiixo heshiis horu dhac ahaa oo ku saabsana qodobadii markii hore la isla meel dhigay.

Qodobada markii hore lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa in Axmed Madoobe si KMG ah u haayo Maamulka Jubooyinka iyo Gedo, dowladana ay soo dhameystirto, isla markaana la qabto doorasho.

Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Tedros Adhanom Ghebreyesus oo wada hadalada labada dhinac ku kala dhex jiray mararka qaar ayaa ku howlan sidii ergooyinka labada dhinac uu ku qancin lahaa in wada hadalada dib loo bilaabo, isagoo xalay kulamo gaar gaar ah kula yeeshay.

Urur goboleedka IGAD oo garwadeen ka ah shirkan ayaa dadaal ugu jira sidii labada dhinac u gaari lahaayeen is faham, iyadoo la dhowrayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan go’aano ku saabsan shirka.

 

Jowhar