Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta oo Cambaareeyay Dilkii Eng Axmed Shariif

0
876

TargetingAssasinationInaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun kulu nafsin daa’iqatul mowt

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta,isgaarsiinta,iyo gaadiidka Cabdi Shakuur Cali Mire ahna ku simaha wasiirka warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Eng Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada warfaafinta gaar ahaan waaxda warbaahinta oo saaka kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa geerida Axmed Shariif uga tacsiyeey qoyskii,asxaabtii uu la shaqeeynayay iyo dhamaan ummada soomaaliyeed,waxana uu alle uga baryay in uu janadii ka waraabiyo.

“Waxaan aad iyo aad u cambaareeyneynaa dilkaa foosha xun oo xaq darada ah,danbiilayaashii iyo dhagar qabayaashii ka danbeeyayna insha alah mar ay noqotaba cadaalada waa la hor keenayaa,waxaana ku kalsoonahay in hay’adaha amnigu aysan ka hari doonin in ay soo qabtaan oo ay cadaalada hor keenaan sharcigana la marsiiyo kooxahasi”ayuu yiri wasiirka

Wasiir ku xigeenka warfaafinta mudane Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa sheegay dhamaan shaqaalaha wasaarada iyo ehelada marxuumkaba uu la qeysanayo murugada iyo xanuunka kaligoodna uusan ka dhiman allaha u naxariistee Eng Axmed Shariif.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in shaqada ay wasaarada warfaafintu u haayso ummada soomaaliyeed u istaagi doonin falalka nuucaan oo kale ah oo lagu niyad jabinayo shaqaalaha wasaarada,horeyna u dhaceen falal nuucaan oo kale ah.

“qof walbana mar ayuu dhimanaa waxana uu dhimanaayo markii ilahey u qoray,laakiin tan sharafta leh waxa ay tahay in lagu dhinto iyada oo loo adeegayo ummada iyo qaranka soomaaliyeed”.ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirka.

 

Radio Muqdisho