Wasiirada arrimaha dibada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa saaka kulan horu dhac ah uga furmaya magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo loogu gogol xaarayo kulanka berri ay yeelanayaan Madaxweynayaasha.
Kulankan oo uu marti gelinayo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa looga hadlayaa ammaanka iyo siyaasada, iyadoo kulanka horu dhaca ee Wasiirada Arrimaha dibada shanta dal ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya ka qeyb galeyso Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay ku lug laheyd dagaaladii ka dhacay Kismaayo, isla markaana la safatay dhinac ka mid ah kooxihii ku dagaalamay Kismaayo, iyadoo cabsho arrintaas ku saabsan ay u gudbisay Midowga Afrika.
Madaxda ka qeyb galeysa shirkan gaarka ah ee dalalka ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka ciidamada ugu badan ka joogaan Yoweri Museveni, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Brundi, Madaxweynaha Seirra Leone iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka Madaxweynayaasha ayaa maalinta berri uu dhici doonaa, waxaana ajandaha kulanka la diyaarinayaa maanta marka ay kulmaan Wasiirada Arrimaha dibada dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla markaana ahaa dalkii u horeeyay ee Ciiidamo geeyay sanadkii 2007-dii, iyagoo haya hogaanka howl galka AMISOM.
Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 17-kun askari oo ku howl galaya magaca AMISOM, kuwaasoo ku sugan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyagoo taageeraya ciidamada dowladda Soomaaliya oo dagaal hubeysan kula jira Xarakada Shabaab oo inta badan Goobolada Koofurta maamusha.
Source: Jowhar