Wasiirada horumarinta adeega Bulshada Drs Maryan Qaasim ayaa ku amaantay talaabada ururka FIFA uu koorsooyinkiisa ugu soo raray gudaha dalka Soomaaliya,iyadoo xustay in dowlada Soomaaliyeed ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta kubada cagta dalka oo ay sheegtay in kubada cagtu ay tahay xiriirka keliya ee wax qabadkiisa gaarsiiyay gobollada dalka.
Wasiirada ayaa hadalkan ka sheegtay kulan ay xafiiskeeda kula yeelatay Ulric Mathiot oo ah Khabiirka ay FIFA usoo dirtay dalka Soomaaliya iyadoo halkana wasiiradda lagu guddoonsiiyay abaal Abaalmarinta FIFA Fair Play.
Intii uu kulankasi socday ayaa khabiirku waxaa uu uga mahad celiyay dowlada Soomaaliya kaalinta ay ka geysaneyso in barnaamjiyada FIFA lagu qabto dalka gudihiisa ,isagoo sidoo kalana Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ku amaanay shaqda baaxada leh ee uu dalka u hayo.
Muhiimada ugu weyn ee Khabiirku ugu tegay wasiirada ayaa ahayd in uu mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya sharaxaad buuxda ka siiyo muhiimada tababarka noocan oo kale ahi uu u leeyahay Soomaaliya oo ah dal hey’adihii dastuuriga ahaa ay ku bur bureen nidaam darro iyo dagaalo sokeeye oo daba dheeraday awgood.
“Koorsadan waxaan diirada ku saareynaa habka kubadda cagta loogu bar baariyo caruurta ay da’doodu u dhexeyso 6 ilaa iyo 12 sanadood, waxaana arrinkan loogu tala galay in kubada cagta laga soo dhiso hoos—Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxa uu qabtay shaqo awoodiisa ka badan taas hadii lagu daro tababarka noocan ah oo sii socda waxaan hubaa in kubadda cagta Soomaaliya ay meel sare gaari doonto”ayuu khabiirku u sheegay wasiirada intii kulanku uu socday.
Wasiirada ayaa dhankeeda si weyn u soo dhaweysay in FIFA ay howleheedii dib uga bilowday dalka Soomaaliya gudhiisa , waxaana ay macalinka ku amaantay in uu daahfur u noqday imaatinka macalimiinta FIFA ee dalka tan iyo 1986-kii.
“Mudane macalin waxaan hortaada ka amaanayaa mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo naftoodii u huray horumarinta kubadda cagta dalkan oo aad ogtahay in lagu noolaado xataa in ay aad u adkeyd”ayey wasiiradu u sheegtay khabiirka ka socda FIFA Mr. Ulric Mathiot.
“Tababarka FIFA grassroots course ee lagu qabanayo Muqdisho waa hindise aad ugu muhiim ah laba arrimood oo kala ah horumarinta kubadda cagta oo hoos laga soo bilaabo iyo ka hortaga caruurtu inay daroogo isticmaalaan ama ku dhacan fal dambiyeedyo kale”ayey hadalkeeda sii daba dhigtay wasiirada horumarinta adeega bulshada Drs Maryan Qaasim.
“ka dowlad ahaan waan ka gacan siineynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta barnaamijyada horumarineed ee uu wado intii karaankeena ah, FIFA-na waxaan ka codsanaynaa inay sii laba jibaaraan wax qabadkooda Soomaaliya”ayey tiri iyadoo ka dhawaajisay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu yahay xiriirka keliya ee wax qabadka dhabta ah ka muujiyay dalka gaarayna gobollada Soomaaliya oo dhan 23-kii sano ee la soo dhaafay.