Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu aad ugu xunyahay Dhibaatooyinka mararka qaar loo geysto qaar kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida Dilka iyo Kufsiga.
Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhanka kale waxaa uu tilmaamay inay jiraan Shaqsiyaad gaar ah oo dhaqaalo ku raadsada Kufsi been abuur ah isla markaana buunbuuniya isagoo taasina ku sheegay inay tahay wax aad looga xumaado.
Wasiirka ayaa waxa uu balanqaaday inay Dowladda Federaalka Soomaaliya si isku mid ah ay ula Dagaalami doonto Kan Kufsiga geysanaya iyo Kan dhaqaalaha ku doonaya isagoo been abuur sameynaya.
Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Xukuumadda Federaalak Soomaaliaya ayaa Ugu dambeyntiina waxaa uu Shacabka ugu baaqay inay Dowladdu ku gacansiiyaan ka hortagida kuwa Kufsiga geysanaya iyo kuwa Dhaqaalaha ku raadsanaya intaba hoosta.
Source: Shabelle